|

Barta Internetka ee Telefishanka Al-jazeera oo Warbixin ku saabsan Marxladihii kala duwanaa ee Somaliland soo martay qortay

Hargeysa, 25, Mar 2012 (SDN)- Shabakadda Telefishanka Al-jaziira, ayaa warbixin dheer ka qoray marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay iyo sooyaalkeedda taariikheedba.
Warbixinta Al-jaziira oo dhamaystirayd waxay u dhignayd sidan:- “Somaliland waxay madax-banaanidda ka qaadatay isticmaarkii Ingriiska waxayna afar cisho ka dib ku dhawaqeen, inay la midoobeen, dalka Somalia ee madax-banaani ka qaatay gumaysigii Talyaaniga waxayna midoobeen bishii July isla sanadkaasi iyagoo la magac baxay jamuuriyada dimoqraadiga ah ee Somalia , madaxwayne u ahaa Aadan Cabdale Cismaan (Aadan Cadde).
Siday ahayd Somaliland ama waqooyiga Somalia, qaybtii ugu horaysay ee madaxbanaani ka qaadatay Ingriiska waxayna ugu horaysay kolkii dawladii Somalia ee dhexe ay burburtay 1991-kii inay ku dhawaaqdo gooni isu taag siyaasadeed iyagoo hiigsanaya inay deganaansho helaan xag siyaasadeed iyo xag amniba.
Sida la ogsoon yahay caqabadda ugu weyn ee is hor-taagtay Somaliland dhinaca beesha adduunka waa ictiraaf la’aanta, lakiin Somaliland waxay ku guulaysatay inay goboladeeda oo dhan amni ku soo dabaasho iyo inay dhisto haykal dawladeed iyo kala danbayn taasina waxay suuro galisay inay Somaliland noqoto hoy ammaan dhamaan Soomaalida ka soo yaacday dagaalada iyo burburka Soomaaliya iyo qaybaheedii kale.
Laakiin Somaliland iyadoo daganaansho ku nool waxaa jira goobo ka mida xuduudaha Somaliland iyo Puntland oo la isku haysto, khilaafkasi waxa uu dhaliyey wax la yidhaahdo khaatumo State.
Afhayeenka madaxtooyada Somaliland C/laahi Maxamed Daahir oo u warammayay A- jeziira net waxa uu yidhi “Sirta daganaanshaha mandaqada waxa uu ku jiraa midnimada iyo mawqifka shacabka Somaliland iyo kartidiisa ee ku wajahan masiirka iyo gooni isu taaga madax banaanida Somaliland ee ku wajahan Somalia.”
wuxuuna uu cadeeyey inay shacbiga Somaliland diidan yihiin duligii iyo dulmigii la dhadhan siiyey iyo xasuuqii lagu sameeyey xiligii siddeedtamadkii ee qarnigii hore.
Afhayeenku wuxuu intaasi ku daray Cabdilaahi Maxamed Daahir “Isku duubnaanta shacbi-weynaha reer Somaliland iyo wax garadka iyo siyaasiyiinta iyo dhammaan ayaa suurto-geliyay gooni isu taaga Somaliland iyo madax banaanideedda. waana halbowlaha ugu wayn ee dagananshaha mandaqada dhinaca siyaasada , iyo sugida amniga sababtaasi waxay keentay in dhaman hayadaha dawliga ah ay ka furtaan xafiisyo caasimada Somaliland ee Hargeysa.”
“Isku duubnaanta shacbi-weynaha Somaliland iyagoo madaxdooda taageeraya oo isbarbartaagan iyo dawladoodii taasi waxay inoo furaysaa dariiqii ama himiladdii ictiraafkii dawliga ahaa Somaliland ay noqoto dal ka mida dalalka geeska Afrika taasina waxay keenaysaa inay dheeli tirmaan dalalka Geeska Afrika oo aan xasiloonayn,”ayuu yidhi Cabdilaahi Cukuse.
Warbixinta Al-jaziira waxa lagu sheegay in Somaliland madax-banaanideeda iyo Gooni isku taageedda lagu dhawaaqay 18-kii bishii May 1991-kii, bilo ka dib markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya ee uu Hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.
Warbixintu waxay intaasi ku dartay in bedka dhulka Somaliland dhan yahay 137600 km square, caasimaduna waa magaalladda Hargeysa , magaalooyinka ugu caansana waxaa ka mida Berbera, waana dekada ugu mihiimsan.
magaalooyinka kale ee Somaliland waxa ka mida Boorame oo galbeedka ah Burco oo ah bariga Somaliland tirada dadwayahnaha Somaliland waa 3 milyan iyo badh sida tirikoobkii ugu danbeeyey lagu sameeyey 2008-dii, dalkuna waxa uu leeyahay calan iyo heesta qaranka iyo lacag la yidhaa shilinka Somaliland waxay abaabushay doorasho madaxwayne iyo baarlamaan iyo dawlada hoose iyo dastuurka Somaliland wuxuu qeexayaa xukunku waa jamhuuri si salmi ah oo dimiqroodiya ayaa maamulka lagu kala wareegayaa iyo in doorasho madaxtinimo la sameeyo marka ay dhamaato mudada madaxtinimada oo shan sanadood ahi dhamaato.
Warbixintaasi waxa lagu soo gabo-gabeeyay in madaxweyneyaashii soo maray Somaliland ay kala yihiin C/Raxamaan Axmed Cali (Tuur), Maxamed Ibraahim Cigaal, Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweynaha xiligan talladda dalka haya oo ah Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo.”
SDN

Comments are closed