|

Ololaha Talaalka Caruurta shanta sano ka yar oo Somaliland ka bilowday

Hargeysa Mar 25,2012(SDN)-Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka marwo Nimco Xuseen qawdhan ayaa maanta furtay wejigii Koobaad ee talaalka caruurta reer Somaliland ee shanta sano ka yar.

Xafladaasi oo ka dhacday Hotel Maansoor oo ay goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi cabdi Axmed Nuur (C Gurey) mas’uuliyiin caafimaad oo kala duwan & hay’adaha wada shaqaynta la leh bahda caafimaadka sida Unicef & WHO ay ugu horaynba wasiir ku xigeenada Cafimaadku ay ku dhawaaqday in maalinta berito ah ee Axadda oo ku beegan 19 Febaury uu dhamaan gobolada Somaliland ka bilaaban doono talaalkii caruurtu.

talaalka qaybtiisa hore ee beri bilaabanaysa waxaa ka qayb qaadan doona lix kun oo hawlwadeeno tababaran ahoo u qaybsan 950 team oo talaali doona caruurta, kaasoo socon doona ilaa 23 bishan, waxaana la qorsheeyey inay talaalkan ka faa’iidaystaan in ka badan Nus milyan caruur ah oo ku nool Somaliland sida ay kulankaasi ka sheegtay Marwo Nimco Xuseen qawdhan wasiir ku xigeenka caafimaadka ee JSL.

dhanka kalena marwo Nimco Xuseen qawdhan waxay kula dardaarantayhawlwadeenada hawshaasi loo igmaday inay u dhabar adaygaan culayska ayleedahay, halka sidoo kalena ay u soo jeedisay waalidiinta inay ubadkooda geeyaan goobaha talaalka.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed