|

Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda oo soo gunaanaday hawshii tirinta kunka qof ee madax-taabashada ah

Laascaanood, 25, Mar 2012 (SDN)- Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda ayaa manta wejigii labaad ee hawshii qiimaynta kunka qof ee madax-taabashada ah ka fulliyay xafiisyada iyo xarumaha  Ururrada Siyaasadu ku leeyihiin magaalooyinka Caynaba iyo Laascaanood.

Hawlgalkan manta ee Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda oo ahayd gabebadii hawshooda ee Gobollada dalka, waxaanay guddidu soo mareen xarumaha dhamaan ururradu ku leeyihiin labadaas magaalo ee Caynaba iyo Laascaanood.

Waxay Guddidu soo kormeereen xarumaha iyo xafiisyada ururrada xafiisyadu uga furan yihiin magaalada Laascaanood oo kala ah Wadani, SSCD, Nasiye, Dalsan, Ummada iyo Xaqsoor.

Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale) ayaa sheegay inay manta tahay gabegabadii wejigii labaad ee hawsha diiwaangelinta, isla markaana loo gudbi doono wejiga saddexaad ee Diiwaangelinta,

SDN, Laascaanood

 

Comments are closed