Hogaamiyaha Ciidamada Maali ee afganbiyay xukuumadii dalkaas oo beeniyay in la dilay
Bamako Mar 25,2012(SDN)-Hogaamiyaha golaha milatariga ee Taladii dalka Mali la wareegay ayaa maanta ka hadlay television-ka iyo Radio-ga dalkaasi, isagoo beeniyey warar laysla dhex maraayey oo sheegay in la dilay isaga Maalintii Jimcihii ee ina dhaafay .
Hogaamiyahan oo lagu magacaabo Dhame Axmedu Sanuudo waxa kale uu ugu baaqay dadweynaha dalkaasi in ay isdajiyaan oo ay ilaaliyaan amaanka iyo xasiloonida dalka, waxase uu ka cudur daartay ciidamada la sheegay in ay fadhataysi ka bilaabeen casimadda dalkaasi ee Bomako oo dhac u geysteen dukaamo iyo gaadiid dadweyne.
Waxana Dhame Axmeduu TV-ga qaranka dalkaasi ka iftiimiyey ujeedada ay dawladdii rayidka ahayd xilka uga tureen, isagoo sheegay in ciidamadu sugayaan amniga iyo mustaqbalka dalka, iyagoo xilka ku wareejin doona dawlad rayid ah markay dalka xasiliyaan, waxana ay tahay markii labaad ee Dhame ka hadlo warbaahinta tan iyo intii uu awood military ku qabsaday dalka.
Dhinaca kale, waxa waqooyiga dalkaasi gacanta ku dhigay jabhadda Dawaariq oo doonaysa xukun daakhili ah, iyagoo cudud military ku jabiyey ciidamadii qaranka ee ku sugnaa waqooyiga.
SDN-Bamako