|

Xuska Maalinta Qaaxada Aduunka oo xargeysa lagu qabtay

Hargeysa Mar24,2012(SDN)-Agaasimaha Cisbitaalka Qaaxada Dr Cismaan Cabdi Maygaag iyo Mas’uuliyiin Sare oo ka tirsan Hay’ada Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa Maanta ka qayb galay Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay Xuska Maalinta Qaaxada Adduunka oo sannad kastaba la qabto 24-ka bisha March.

Munaasibadan oo lagu qabtay Xarunta Cisbitaalka Qaaxada ee Caasimada hargaysa waxaa kale oo ka qayb galay madax ka socotay hay’adaha wada shaqaynta la leh Cisbitaalkan kana gacan siiya Cidhib tirka Cudurkan,Bukaanka ku jira Cisbitalkan iyo hawl wadeenada u adeega .

Agaasimaha Cisbitaalka Qaaxada ee Caasimada Hargaysa Dr Cismaan Cabdi Maygaag oo madashaasi ka hadlay ayaa ka waramay markii u horaysay ee dunnida lagu arko qof qaba Cudurka TB-da iyo sida uu Caalamku uga hawl galay hoos u dhigida Xadiga dadka uu asiibay Xanuunkani, Waxaa uu Agaasimahani Qiray in bulshadeenu ay Cuqdad ka qabaan sidii ay ugu soo bandhigi lahaayeen marka uu Cudurkani ku dhaco iyagoo u haysta ayuu yidhi Wax lagu Ceebaynayo karaamadoodana wax loogu dhimayo.

Dr Cismaan Cabdi Maygaag waxaa kale oo uu tilmaan ka bixiyay Astaamaha lagu garan karo qofka uu Xannuunkani asiibo iyo siyaabaha ugu haboon ee loo daawayn karo isagoo u mahadceliyay cid kasta oo ka gacan siisa adeegyada uu Cisbitaalka Tb-da ee caasimada hargaysi u baahan yahay gaar ahaan dhinaca daawooyinka iyo raashinka nafaqaysan.

Madaxa Xafiiska Somaliland ee hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee WHO Dr’s Aasiya Cismaan Axmed ayaa iftiimisay doorka ay hay’ad ahaan ka qaataan Cidhib tirka qaaxada waxaanay intaas ku dartay in xil la iska saaro sidii Wacyiga dadka kor loogu qaadi lahaa isla markaana loo dareensiin lahaa khatarta ay noloshoodu ay ku keeni karto hadii ay qarsadaan Cudurkan.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Dr Cabdi Ismaaciil oo ka tirsan hay’ada World Vission,Dr Maxamed Cabdi Hergeye oo ka socday Mashruuca Quudinta ee Kuwait Joint iyo Dr Maxamed Yuusuf.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed