|

Garoonka Kubedda Cagta ee Boor Siciid rabshado ka dhacay oo mar kale dad ku dhinteen

Boor Siciid Mar 24,2012(SDN)-Hal qof ayaa maanta k u dhintay magaalada Boor Saciid ee dalka Masar tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii ciidamada amaanka iyo dadweyne cadhaysani oo taageersan kooxda kubadda cagta ee Almasri isku dhaceen.

Rabshadahan dadka galaaftay waxa ay ka dhaceen badhtamaha magaalada Boor Saciid, markii kumanaan qof oo taageersan kooxdaasi kubadda cagata ay weerar ku qaadeen xarun dawladdu leedahay.

Hase yeehsee ciidamada amaanka oo difaacayey xaruntaasi ayaa adeegsaday rasaas nool oo ay inta badan cirka u ridayeen iyo suntan qiiqa ah ee dadka kaga ilmaysiisa.

Dadkan gadoodsani waxa ay ka cadhoodeen markii kooxdooda ay taageersanaayeen laga mamnuucay in ay ka qeyb galaan ciyaaraha kubadda cagta ee ka dhaca dalkaasi, muddo laba sannadood ah, amba laba xilli ciyaareed, kadib markii lagu cadeeyey in taageerayaashaasi kooxda Al-masri inay ka dembeeyeen dilkii foosha xumaa ee ka dhacay gagida kubadda cagta ee Boor Saciid bishii feberoury ee sannadkan.

SDN-Boor Siciid

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed