|

Ganacsadihii Reer Jabuuti ee Khashifay lacago si sharci daro ah looga saaray Baanka Jabuuti oo xadhigii laga sii daayay

Jabuuti Mar 24,2012(SDN)-Ganacsade Cali Cilmi Uos ayaa maalinmadii shalay xabsiga laga sii daaya ka dib dhawr todobaad oo uu sifo sharci daro ah ugu jiray xabsiga Gaboode.

Ganacsadaha ayaa la sheegay intii uu xabsiga ku jiray in jir dil loogeysta isla markaan bilaa maxkamad xabsiga lagu hayay.

CaliUoss oo aan looga ogoleyn in uu la hadlo saxaafada dalku galkiina laga qaaday ayaa haatan ku sugan aqalkiisa.

Ma cada cida ka danbeysay siideynta Ganacsadaha,waxase muuqata in Jabuuti si weyn looga hadal hayay xadhigan.

Ganacsadaha ayaa la sheegay in uu faafiyay xog ku saabsan lacago malaayiin ah oo si sharci daro ah looga saaray Baanka ay wadagaan dawladaha Farance iyo Jabuuti ee BCI.

Lacagahan oo ay baanka ka amaahdeen ganacsato madaxtooyada Jabuuti ku dhaw ka dibna waxa ay mashaariic uga fuliyeen Somaliland.

SDN-Jabuuti

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed