CEERIGAABO: Taageerayaasha Urur Siyaasadeedka RAYS oo Maanta Dhoolatus Ku Muujiyey Cududdooda uu Gobolka Sanaag ku leeyahay
Ceerigaabo-taageerayaasha iyo masuuliyiinta urur siyaasadeedka Rays ayaa maanta isu soo bax ballaadhan oo qayb ka ah Kormeerka Diiwaangelinta ururrada ee Berri laga Bilaabayo gobolkaasi isugu soo baxay Xarunta dhexe ee Urruka Rays ku leeyahay Magaalada Ceerigaabo.
Dadweyne isugu jira dhalinyaro, haween, aqoonyahan iyo masuuliyiinta urur siyaasadeedka Rays oo maanta muujinyay cududa ay leegtahay taageerada ururka Rays ku leeyahay Gobolka Sanaag ayaa waxa fagaarahaasi kala hadlay gudoomiyaha ururka Raysl Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo isagu uga mahadnaqay diyaar garawga iyo abaabulka fiican ee ay sameeyeen taageerayaasha Rays ee Ceerigaabo isaga oo sheegay in Gobolka Sanaag uu yahay Gobolka ay aaminsan yihiin inuu ugu taageero badan yahay dalka isla markaana aanay wax werwer ah ka qabin rajada ay ka qabaan.
Md. Gaafaadhi waxa uu dadweynaha reer Ceerigaabo ugu baaqay in berri ay si fiican isugu soo baxaan Berri oo sabti ah gobolkaana ay ka bilaabmi doonto kormeerka Madaxtaabashada ah ee Guddiga Diwiaangelintu ku qiimaynayaan ururada Siyaasadda Xafiisyadooda.
Hore ayaa Guddidu u soo Kormeertay Gobollada Awdal, Maroodi jeex, Saaxil iyo Togdheer iyada oo gobola Sanaagna uu yahay wejigii shanaad ee kormeerkaas, waxaana waxaana gobollada galbeedka oo dhan Calanka u siday ururka rays oo ay ku bahoobeen dhamaan Qaybayha kala duwan ee beelaha Somaliland wada dega haddaynoqoto Awdal, Hargeysa, Saaxil iyo Togdheer iyo waliba Sanaag iyo Sool, waxaana ururkani rajo fiican ka qabaa in uu ku soo baxo doorashada dawladaha Hoose ee la filay inay dalka ka dhacdo dhawaan.
Dhinaca kalena ururka Rays iyo ururkii Wadajir ayaa ah labadii urur ee ugu horeeyay dalka ee Midooba iyada oo aan Guddia diiwaangelintu ku dhawaaqinba sharciyadda 15 ka urur, Waxaana Laga filayaa inay dhawaan ku dhawaaqaan qabsoomida shirweynihii 1aad ee Rays iyo Murashaxiinta uga qaybgalaysa Doorashada dawladaha hoose.
Warqabadka Togaherer
Ceerigaabo. Somaliland