|

Reer Yurub oo dagaal Beriga ah oo lagu qaado Soomaaliya isku raacay,iyo quusta madaxbanaanida Soomaalida

Brussels Mar 24,2012(SDN)-Midawga Yurub ayaa isla qaatay dagaal ka dhan ah Burcad badeeda Soomaalida in ay kula dagaalamaan badda iyo Berigaba ka dib kulan ay shalay yeesheen.

Wasiirada Gaashaadhiga reer Yurub ayaa isla qaatay in Burcada Soomaalida beriga lagula dagaalamo.

Reer Yurub ayaa isku raacay in xarumaha loo arko in burcadu ku leedahay beriga la duqeeyo.

Tani waxa ay sababi kartaa in dad aan waxba galabsan dhibaato ka soo gaadho weerarada nooca ah iyada oo la moodo Burcad-badeed.

Talaabadan ayaan wax wada tashi ah lagala sameyn dawlada KMG ah ee reer Galbeedku noo sheegaan in ay tahay mid ay aqoonsan yihiin.

Dawlada qudheeda ayaan wax war ka soo saarin goaankan xadgudubka ku ah madaxbanaanida Soomaaliya.

Wax la eegaaba waa sida reer Yurub u fuliyaan goaankoodan u muuqda in aan si taxadar looga fiirsan saameynta danbe ee uu yeelan karo.

SDN-Brussells

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed