Borama: Hanti-dhawrka Qaranka oo amar ku bixiyay in la soo qabto Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Hoose
Borama, 15, Mar 2012 (SDN)- Hantidhowraha guud ee qaranka Maxamuud Aw Cabdi ayaa maanta ka war-bixiyey baadhitaan ay xafiis ahaan ka wadaan Gobolka Awdal.
Maxamuud Aw Cabdi waxa uu sheegay in ilaa hadda la ogaaday in xafiisyada dawladda Hoose ee Degmada Boorame ay lugta kula jiraan hawlo musuqmaasuq, isla markaana xafiiska hantidhowrka guud uu si rasmi ah ugu jeediyey eedayn ku saabsan inay adeegsadeen qoraalo been abuur ah oo ay ku lunsanayeen hantida qaranka. Sida ay baahisay Idaacada ku hadasha afka dawladda ee Radio Hargeysa
Hantidhowrka guud waxa uu sheegay inay soo saareen liiska xubnaha mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dawlada hoose ee Boorame ee ku kacay falalkan kuwaasoo magacyadoodu kala yihiin:-
1. Cabdikariin Sh Xasan Cismaan, Xoghayaha dawlada hoose ee Boorame.
2. Maxamed Cali Khayre, Khasnajiga guud ee dawlada hoose ee Boorame.
3. Cabdinaasir maxamuud Qawrax, oo hore u ahaan jiray Xoghaye dawlad hoose ee Boorame.
4. Maxamed Xasan, oo ah Engineer-ka dawlada Hoose ee Boorame.
Hantidhowraha guud waxa uu warbaahinta u sheegay inay hay’adaha ammaanka ka codsadeen in la soo qabto afartaasi ruux si cadaaladda loo hor geeyo.
SDN, Borama