|

Nin Soomaali ah oo oo dad Toorey la dhacay dalka Nw Zealand

Christchurch Mar 15,2012(SDN)- Nin Soomaali ah ayaa saaka Booliiska magaalada Christchurch ay laba xabadood ku dhufteen ka dib kolkii uu dhawr ruux ku dhuftay Toorey.

Ninkan Soomaaliga ah oo 27 jir ah ayaa afduubay gaadhi kuwa xamuulka ah oo ay haweeney waday,ka dibna midida ku dhuftay.

Dhawr ruux oo kale ayuu ninkani weeraray ka dibna waxa ay is wejeheen Booliiska oo laba xabood ku dhuftay kolkii uu midiyo uu sitay uu dhigi waayay.

Dadka uu ninkani dhaawacay ayaa gidigood dhawacoodu uu cuslaa balse la filayaa in ay ka kacaan.

Ma cada sababta uu nin kani u weerary dadkan shacabka ah iyo in uu ninkani ka badbaadi doono dhaawaca rasaasta ku dhacday.

SDN-Christchurch

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed