|

Qalalaasaha Suuriya oo sanad jirsaday iyo tirada dadka ilaa iyo haatan ay galaafteen

Dimishiq Mar 15,2012(SDN)-Kacdoonka shacab ee ka jira dalka Suuriya ayaa maanta sanad jirsaday iyada oo tirada dadka ku dhimanaya ay sii kordheyso,halka caalamkuna aanu wax muuqda ilaa iyo haatan ka qaban.

QM oo dhawr jeer isku dayday in ay xaalka xal u hesho ayaa waxa is hortaagay dalalka China iyo Ruushka.

QM waxa ay ku qiyaastay dadka ku dhintay kacdoonka Suuriya ilaa 7500 oo ruux ilaa iyo haatan.

Kacdoonkii Carabta hadheeyay ayaa keligood taliyeyaal baani ay xilka uga degeen mudo gaaban,Bashar Al Azad ayaase u muuqda in uu heysto taageerada ciidamada dalkaas iyo dalalka China iyo Ruushka.

Ma cada halka ay xaaladu ku danbeyn karto waxaase muuqda in dalkaasi ku sii siqayo dagaal sokeeye.

SDN-Dimishiq

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed