Dhadhaab oo laba ruux lagu dilay,mid kalena lagu dhaawacay
Dhadhaab Mar 15,2012(SDN)-Laba ruux oo ka mida qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xerada Dhabdhaab ee dunida ugu weyn ayaa xalay lagu dilay xeradaasi.
Sidaana waxa saxaafada u sheegay afhayeen u hadlay UNHCR oo xeraadaasi gacanta ku heysa.
“Waxaanu xaqiijineynaa in xalay laba ruux la dilay halka mid kalena la dhaawacay”ayaa lagu yidhi qoraal QM ka soo baxay.
Baaritaan la sameeyayna waxa ku soo baxday in dilalku ahaayeen qaar aargoosi ah,bacdamaa aaney dadka dlka geysaty wax alaabo ah ka qaadan dadka la laayay.
Xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya ayaa amnigooda laga deyrinayaa,ka dib kolkii halkaa lagu laayay shaqaale hore,qaar kalena laga afduubtay halkasi.
SDN-Dhadhaab