|

Dawladda Hoose ee Hargeysa oo saaka hawlgalkeedii ka fullisay Guriga Xisbiga ee agagaarka Idaacada Radio Hargeysa

Hargeysa, 14, Mar 2012 (SDN)- Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa maanta hawl-gal balaadhan ka fulisay Wajahadda bari ee gurigii hore ee xisbiga magaaladda Hargeysa, waxaanay ku baneeyeen sandaqado, buulal iyo waabab si sharci darro ah uga dhisnaa. Waxaanay goobtaasi u asteeyeen inay ka hirgelinayaan hangaro waaweyn oo loogu tallo galay in la dejiyo qeyb ka mid ah Ganacsatada yar yar ee dhawaan laga raray jidadka badhtamaha suuqa Waaheen ee magaaladda Hargeysa.

Hawl-galkan oo uu hoggaaminayay Maayarka caasimadda ahna Guddoomiyaha Golaha deegaanka Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo ay weheliyeen Maayar ku xigeenka Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde iyo Xoghayaha fulinta dawladda Hoose ee Hargeysa Mawliid Waris Cabdilaahi, waxa kale oo ka qeyb galay shaqaalaha iyo gaadiidka waaxda arrimaha bulshadda ee dawladda Hoose.

Maayarka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, oo hawl-galkaasi ka hadlay ayaa sheegay in olalahani qeyb ka yahay qorshaha kor u qaadista bilicda, waxaanu tilmaamay inay sii joogtayn doonaan hawl-galada noocan oo kale ah oo ay ka fulin doonaan degmooyinka caasimadda oo dhan.

Maayarku wuxuu sheegay in goobtan la baneeyay ay si deg deg ah uga dhisi doonaan hangaro waaweyn oo ay ugu tallo-galeen in la dejiyo Ganacsatadii laga raray badhtamaha wadada faras-magaalaha ee caasimadda Hargeysa.

Waxa kale oo uu xusay inay goobahan oo kale ka dhisi doonaan degmooyinka Hargeysa.

Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir wuxuu dadweynaha u soo jeediyay inay dawladda hoose iyo Wasaaradda Daakhiliga kala shaqeeyaan nidaaminta suuqyadda iyo wadooyinka magaaladda dhexdeeda.

SDN , Hargeisa Somaliland

Said8090@gmail.com

Comments are closed