|

Xildhibaannada Gabiley oo maanta doortay Guddoomiye cusub

Gabiley, 14, Mar 2012 (SDN)- Xildhibaanada Golaha Deegaanka magaalada Gabiley ayaa maanta doortay guddoomiye cusub.

Fadhi ay yeesheen Golaha Deegaanka Gabiley oo ay shir guddoominaysay ku-simaha Guddoomiyaha Golahaas Marwo Khadra Xaaji Gaydh waxay Xubnaha Goluhu Guddoomiye u doorteen Axmed Muxumed Qaalib (Axmed Samir).
Fadhigan maanta ee Golaha Deegaanka Gabiley oo ay ka soo Xaadireen 17 Mudane, waxaana u codeeyay Maayarka Cusub 16 xildhibaan, Guddoomiyuhuna muu codeyn.

Guddoomiye ku-xigeenka ahayd =na ku-simaha guddoomiyaha Golaha Deegaanka Gabiley ayaa soo dhaweyasay maayarka cusub ee loo doortay degmadaas, waxaanay tilmaantay haddkii aad gacan la siin maayarka cusub inay ku adkaan doonto xilka loo igmaday.

SDN, Gabiley

Said8090@gmail.com

Comments are closed