War degdeg ah: Madaxweynaha Somaliland oo xilka ka qaaday 7 xubnood oo ka tirsanaa golihiisa Wasiirada, xubno kalena isku bedelay
Hargeysa 14, March 2012 (Qurbejoog.com)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xilalkii ka qaaday 7 xubnood oo ka tirsanaa golaha Wasiirada xukuumaddiisa.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed Afhayeenka Madaxweynuhu soosaaray, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu xilalkii ka qaaday wasiirada Maaliyadda, Shaqada iyo arrimaha Bulshada, Hawlaha Guud, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, wasiir kuxigeenka Khaarajiga, wasiir kuxigeenka Maaliyadda iyo masuuliyiin kale oo ka tirsanaa masuuliyiinta hay’addaha madaxabanaan.
Madaxweynuhu waxa uu wasiirka Maaliyadda u magacaabay Cabdicasiis Maxamed Samaale oo hore u ahaa guddoomiye kuxigeenka golaha Wakiilada Somaliland, iyadoo uu dhawr xubnoodna ka bedelay xilalkii ay hore u hayeen, wuxuuna warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani u dhignaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu isku bedel shaqo, Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida Golaha Wasiiradda, Wasiir ku-xigeenada iyo Hay’adaha Dawladda qaar kamida.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,
Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.
Waxa uu Xilalkii ay qaranka u hayeen ka qaaday Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno iyo Madaxda Hay’adaha Madaxa banaan qaarkood, isal markaana Madaxweynuhu waxa uu Xilalkaa ay baneeyeena u magacaabay Masuuliyiin Cusub oo kala ah:-
NO Magac-yada Masuuliyiinta Cusub Magacaabidda Wasaaradda loo magacaabay
1 Cabdicasiis Maxamed Samaale Waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada
2 Axmed Cabdi Xaabsade
(Hore u ahaa Wasiirka War-faafinta) Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka
3 Cabdi yuusuf Ducaale (Boobe) Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Warfaafinta
4 Cali Siciid Raygal
(Hore u ahaa Maareeyaha Madbacada Qaranka) Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Cayaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka
5 Maxamuud Axmed Barre (Garaad) Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada
6 Cabdilaahi Abokor Cismaan (Xil Cusub) Waxa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Daakhiliga ee dhinaca Amniga, halka Wasiir ku-xigeenkii hore uu ahaan doono Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Maamulka ee W. Arrimaha Gudaha
7 Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani)
Waxa loo magacaabay Wasiiru-Dawle Cusub W-Maaliyada ah
8 Mawliid Maxamuud Ibraahim Waxa loo magacaabay Wasiir ku- Xigeenka W/Arrimaha Dibadda
9 Nuux Sheekh Muuse Ducaale Waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha
10 Maxamed Cumar Cabdilaahi Waxa loo magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha
11 Mudane Axmed Xuseen Oomane Waxa loo magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka South Sudan
Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana mahad-naqaya mudadii ay xilkaa soo hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto xilka qaadista iyo Magacaabistuba isla markaana xilku yahay Meerto waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Masuuliyiintan:-
No Magaca Mudanaha Xilka laga qaaday Xilka uu hayey
1 Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Wasiirkii W/ Maaliyadda
2 Prof. Ismaacil Muumin Aar Wasiirkii W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka
3 Ilhaan Maxamed Jaamac Wasiirkii W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada
4 Dr. Axmed Xaashi Oday
Madaxweynuhu waxa uu faray Masuulkan in uu xilka wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ku wareejiyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta oo si ku meel gaadha u sii hayn-doona inta Masuul Cusub loo soo magacaabayo xilka Wasaaradda Wasiirkii W/Boosaha iyo Isgaadhsiinta
5 Cabdi Siciid Faahiye Wasiirkii W/Cayaaraha ,Dhalinyarada iyo Dhaqanka
6 Warsame Siciid Cabdi Wasiir ku-Xigeenkii W/ Maaliyadda
7 Maxamed Yoonis Cawaale Wasiir ku-Xigeenkii W/Arrimaha Dibadda
8 Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil Gudoomiyihii Hay’ada Shaqaalaha (Civil Service commission)
9 Axmed Cali Xirsi (Sulub) Deputy: ku-xigeenka Gudoomiyaha Hay’adda shaqalaha.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com