South Africa oo Soomaaliya ugu deeqday R100 million
Pretoria Mar 14,2012(SDN)-Dawlada South Africa ayaa shaacisay in ay Soomaaliya ku gacan qabaneyso R100 million oo lacagta dalkaas ah si gacan ay uga geysato dib u dhaska hanaanka dawladeed.
Sidaa waxa shaacisay wasiirka iskaashiga caalemiga ee dalka South Africa Maite Nkoana-Mashabane ka dib kulan ay la qaadatay dhigeeda Cabdulaahi Xaaji Xasan shalay.
Lacagtan ayaa loo qoondeeyay in lagu taakuleeyo dedaalada loogu jiro helida nidaam dowladeed oo Soomaaliya laga dhiso.
Sidoo kale dawlada Konfur Africa waxa ay shaacisay in safiirkeeda Kenya uu arrimaha Soomaaliya u qaabilsanaan doono iminka wixii ka danbeeya.
Wasiirka iskaashiga caalamka ee Konfur Africa Maite Nkoana-Mashabane ayaa sheegtay in tani fursad u noqon doonto in dalkeedu la socdo xaalada Soomaaliya iminka wixii ka danbeeya.
Labada Masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii Konfur Africa loogu celin lahaa laba ruux oo dalkaa u dhashay oo gacanta ugu jira Burcad badeed Soomaali ah.
SDN-Pretoria