Wasiir Duur oo si adag uga jawaabay eedaymo uu ujeediyay Dr Gaboose
Hargeysa, 13, Mar 2012 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa si adag uga jawaabay eedaymo uu dhawaan u jeediyayWasiirka hore Arriimaha Gudaha, ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasaddeedka UMMADA Dr Maxamed Cabdi Gaboose, waxaanu Dr.Gaboose arxan-darro ku tilmaamay hawlgalkii Wasaaradda Daakhiliga iyo Dawladda Hoose ku fulliyeen danyarta suuqyada Hargeysa.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur (Duur) oo ka hadlayay munaasibada tabobar loogu soo xidhayay xerada tabobarada ciidamada ee Mandheera 60 askari oo qaatay tabobar la xidhiidha la dagaalanka argagixisada, ayaa sheegay in dhaliilaha Dr Gaboose ay yihiin qaar aan loo miidaan dayin oo uu kaga soo horjeedo horumar uu ku dooday in ay samaysay wasaaradiisu.
“Waxaan warbaahinta u marinayaa saaxiibkaygii kursiga iiga horeeyay oo dhaliilay waxyaabo horumar ah oo maanta socda , isaga oo yidhi anigu sidaasaan u jeeday, warqadaa maan qorin, waxa dadka qalbigiisa ku jira muddada aan xilka hayo taariikhdaa qoraysa, arrinkaas waxa uu ku hadhayaa laabaha dadka , dabeed tirtiri kari maysid . waxaan ogahay beri marka aan xilka dego waxa aan ahaa dadkaa garanaaya kii ugu horeeyaybaa la garanayaa anaa wakhtigu I sheegi doonaa , Madaxweyne ku xigeenkuu sheegi doonaa , kuwii naga horeeyaybuu sheegayaa , waa wax ku hadhayaa qalbiga ummada oo aan tirt-tirmayn qalabka ummada way ku qoran yihiin, taana fariinta waxa aan u dirayaa ninka maanta dhaliilaya waxyaabo badan oo soo kordhay” ayuu wasiirka arrimaha guduhu
Wasiir Maxamed Nuur Carraale, oo toddobaadkan wajahayay mawjado dhaliilo ah oo la xidhiidha hawgalkii dhimashada gaystay ee dawlada hoose ka fulisay Magaalada Hargeysa iyo khibrada uu leeyahay sugida amniga dalka , ayaa isku dayay in jiheeyo indhaha bulshada oo diirada ku hayay, waxaana uu hadalo xirfadaysan u isticmaalayaa eedaha kaga imanaya dadka dhaliilaya.
SDN, Hargeisa Somaliland