Xaalada Suuriya oo ka sii dareysa iyo ururka Human Rights Watch oo canbaareysay xukuumada dalakaasi
New York Mar 13,2012(SDN)-Hay’ada xuquuqda aadamaha ee lagu magacaabo Human Right Watch ee fadhigeedu yahay magaalada New York , ayaa maanta ku eedeysay ciidamada qaranka ee Suuriya in ay miinooyin dhigaan wadooyinka ay dadka soo qaxaya dalkaasi uga gudbaan Lubnaan iyo wadanka Tukriga .
Hayadu waxa kale oo ay sheegtay in ay hayso cadaymo sheegaya in ciidamada Suuriya dhigayaan miinooyin wadooyinka , iyadoo ay soo gaadheen dalka Lubnaan iyo Turkiga dad dhaawac ah oo ay miinooyinkaasi ku qarxeen , iyadoo uga jeeda xukuumad Suuriya in ay joojiso dadka lafahooda uga cararaya dagaalada ka socda dalka oo lagu qiyaasay ilaa laba boqol oo kun in ay ka qaxeen dalkaasi , sida ay sheegtay qaramada midooday .
Dhinaca kale , xoghayihii hore ee qaramada midoowday Mr. Koofi Anaan oo ah ergayga loo igmaday xal u helida dalka Suuriya ayaa kula kulmay madax ka socota mucaaridka Suuriya dalka Tukriga , isagoo kale hadlaya sidii xabadda loo joojin lahaa , wado hadal siyaasadeedna loo bilaabi lahaa .
Mr. Koofi waxa uu kulankaasi ka dib sheegay in uu ka filayo in ay xukuumada Suuriya jawaab ka bixiso arimaha uu soo bandhigay maalintii sabtidii ee booqashada ku tagay dalkaasi .
SDN-New York