Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo furay kulan lagu naaqishayo Xeerka aasaaska Hay’ada Maamul Wanaaga
Hargeysa, 13, Mar (SDN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta aqoon is-waydaarsi lagu darsayo Xeerka aasaaska Hay’ada Maamul Wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa ka furay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Aqoon isweydaarsigan oo socon doona muddo saddex maalmood wax aka qayb qaadan doona, Xildibaanno, Garyaqaano iyo ardayda Jaamacadaha dalka.
Guddoomiye ku-xigeenka Hay’ada Maamul Wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa oo ka hadlay furitaankii aqoon is-waydaarsigaas ayaa soo dhaweeyay dibu eegis iyo lafo-gurid lagu sameeyay xeerka Hay’adoodu ay ku shaqayn doonto, waxaanu tilmaamay in Xeerkaasi u wax badan kia tari doono gudashada waajibaadkooda shaqo.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in kal-fadhiga Golahooda ee socda ay kaga dooddi doonaan marka guddida loo xilsaaray ay ka soo diyaariyaan warbixinta Xeerka.
SDN, Hargeisa Somaliland