Baarlamaanka cusub ee Masar oo eryay Danjirihii Israa’iil u joogay Qaahira, maxay tahay sababtu?
Qaahira 13, March 2012 (Qurbejoog.com)- Baarlamaanka cusub ee dalka Masar, ayaa eryay Safiirka dawladda Israa’iil u joogay caasimadda Qaahira, isla markaana joojiyay Gaastii ay u dhoofin jireen Israel.
Aqalka hoose ee Baarlamaanka Masar, waxa uu Isniintii maanta cod buuxa ku meelmariyay eriga danjiraha Israa’iil u joogay Qaahira iyo joojinta Gaasta loo dhoofiyo dalkaas, waxayna codbixinta oo ahayd mid gacan-taag ah lagu ansixiyay warbixin ay soo diyaariyeen guddi-hoosaadka golahaas ee qaabilsan arrimaha Carabta.
Warbixinta waxa lagu sheegay in loo yeedho danjiraha Masar ka jooga Israel, maadaama siday warbixintu xustay Israa’iil tahay cadowga koowaad ee Masar iyo qaramada Carbeed intaba. “Kacdoonka Masar marna saaxiib la noqon maayo, xidhiidhna la yeelan maayo Sahnuuniyad (Israel), taasoo aanu u tixgelinayno inay tahay cadowga koowaad ee Masar iyo qaran Carbeed,” ayuu yidhi warbixinta ay maanta u codeeyeen Baarlamaanka Masar. “Waxaanu taas ula dhaqmaynaa sida cadowga, dawladda Masarna waxay halkan ku caddaynaynaa inay dib-u-eegis ku samaynayso dhamaan xidhiidhadeedii iyo heshiisyadii cadowgaas,” ayay warbixintu tidhi.
Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Masar oo ka kooban 508 xubnood, waxa ku badan xubnaha ay reer Galbeedku ugu yeedhaan islaamiyiinta, kuwaasoo ka soo baxay xisbiga Khiwaanun Muslimiin oo xayiraad dhinaca ka qaybgalka doorashooyinka ahi saarnayd muddo dheer intii uu jiray xukunkii hoggaamiyihii la riday ee Masar Maxamed Xusni Mubarak oo hadda maxkamaddi ku socoto.
Masar iyo Isaa’iil waxay heshiis ku wada jireen ilaa 1979, inkastoo xidhiidhadii hore xumaadeen markii xukunka laga tuuray Xusni Mubarak.
Tan iyo markii kacdoonka shacabka lagu riday Madaxweyne Mubarak, Masar waxa maamula golaha sare ee Milateriga dalkaas, waxaana talaabadan Baarlamaanku qaaday loo arkaa mid horseedaysa in golahan Milateriguna talaabooyin noocan ah qaadi karo.
Ilaa xukun-ka-tuuristii Mubarak, dawladda Israel waxay ku celcelinaysay in la ixtiraamo heshiisyadii hore, waxayna hoggaamiyeyaasha cusub ee Masaarida ugu baaqday inay ilaaliyaan heshiisyadaas.
Golaha Milaterigu waxa uu mar sii horaysay sheegay inuu tixgelin doono heshiiskii u dhexeeyay Masar iyo Israel, gaar ahaan heshiiska ay wada galeen 1979 oo intiisa badan ka hadlayay degaanka Siinay.
Ilaa hadda Israel wax war ah kama soosaarin go’aanka maanta ka soo baxay Baarlamaanka dalka Masar.
Qurbejoog.com, Qaahira
editor@somalidiasporanews.com