|

Maxaad kala socotaa mashaariicda Midawga Yurub ay ka hirgelineyso Somaliland

Hargeysa Mar13,2012(SDN)-Mashaariic horumarineed ee Midawga Yurub ka hirgelinayo Jamhuuriyada Somaliland ayaa ah qaar sanado qaadan doona oo ay ku bixi doonto €62 million.

Mashaariicdan oo ah 63 ayaa 27 ka mid ahi ay ku wejahan yihiin dhanka dawlada wanaaga oo ku kici doona €21.9 million.

 Dhanka waxbarashada ayay reer Yurub maalgelinayaan 13 mashruuc oo ay ku bixi doonto aduun lagu qiyaasay €11.2 million.

Dhanka ganacsiga waxa jira 13 mashruuc oo lagu kabayo isla markaana lagu kobcinayo dhaqaalaha oo iyaga ay ku bixi doonto €15.1 million.

Halka mashaariicda intooda kale oo ah 8 wax looga qabanayo dhinacyada caafimaadka,biyaha iyo nadaafda oo ay ku bixi doonto €8.5 million.

Midawga Yurub ayaa kharshyo dheeri ah ku bixiyay kobcinta nidaaamka dimuqraadiyadeed ee biyo dhigay Somaliland.

Sidoo kale Midawga reer Yurub waxa ay maal geliyeen isku xidhka Xildhibaanada Yurub iyo kuwa Somaliland ilaa iyo sanadii 2004tii.

EUdu waxa ay dhistay aqalka wakilada Somaliland,waxa ay aduun faro badan ku bixiyeen tababarka xildhibaanada Somaliland.

Midawga Yurub waxa kale oo ay gacan ka geysteen tayeynta macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada Somaliland.

Sidoo kale waxa ay dhiseen ama ay dayac tireen madarasado faro badan oo dalka ku yaal.

 

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed