Baarlamaanka Afgaanistaan oo faray xukuumada Karzi in ay wax ka qabato tacadiyada ciidamada Shisheeye
Kabul Mar 12,2012(SDN)-Caro ka dhalatay tacadiyo dhawr ah oo ciidamada shiseeye ay ka geysteen gudaha dalka Afgaanistaan ayaa sababtay caro ka dhan ah ciidamada sisheeye ee dalkaa ku sugan.
Baarlamaanka Afgaanistaan ayaa maanta ansixiyay qoraal looga dalbanayo madaxweyne Xamid Karzi in uu dalbado xakameynta ciidamada dalkaas ku sugan ee NATO.
Ciidamada ayaa dhawaan gubay Kutubo Quraanka Kariimka ah,isla markaana waxa mid ka mida ciidamada Mareykanka ee dalkaasi ku sugan ayaa dhawr iyo toban ruux ku dilay dalkaasi dhawaan.
Shacabka dalkaasi ayaa todobaadyadii u danbeeyay waday isu soo baxyo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan habdhaqanka ciidamada dalkooda ku sugan.
SDN-Kabul