|

Gudida fulinta ee maamulka dawladda Hoose ee Hargeysa waxay kormeer ku soo maray Sariibadaha Caasimada

Hargeysa Mar 11,2012(SDN)-Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, oo ay weheliyeen Maayar Ku xigeenka Md. Maxamed Cabdilaahi Uurcadde iyo Xoghayaha fulinta dawladda Hoose Mawliid Waris Cabdilaahi, ayaa maanta kormeer ku soo maray sariibaddaha magaaladda, kuwaasi oo ay qorshaynayaan inay dejiyaan ganacsatada bagaashlayda ee dhawaan laga raray badhtamaha jidadka caasimadda.

Gudida fulinta ee maamulka dawladda Hoose ee Hargeysa waxay kormeer ku soo mareen Sariibadaha, Daami, Xero-dhufta, Inji, Jig-jiga yar, Maxamed Moogge, Isha Boorame, Qudhac-dheer iyo Wajahada hore Gurigii xisbiga ee Magaaladda Hargeysa, waxaanay u kuur-galayeen sida loo degan yahay iyo dayactirka ay u baahan yihiin goobahaasi.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa kormeerkaasi ka dib saxaafadda u sheegay inay maamulka dawladda Hoose ay dayactir balaadhan ku samayn doonaan sariibadaha iyo goobaha kale ee ay soo kormeer, waxaanu intaasi ku daray inay sariibadahaasi ay dad aad u yari ku ganacsadaan loona baahan yahay dadkii laga raray wadooyinka faras-magaalaha.

Maayarku wuxuu u soo jeediyay ganacsatada yar yar inay u guuraan sariibadaha xaafadaha magaaladda oo ay dayac-tir weyn sida ugu dhakhsaha badan ugu samayn doonaan.

 SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed