Masuuliyiintii ay galaafatay Mucaawinada Masaakiintu oo Xabsiga dhexe ee Hargeysa loo dhaadhiciyay
Hargeysa, 11, Mar 2012 (SDN)- Maxkamada gobolka Hargeysa, ayaa maanta xukun toddobo maalmood ah ku riday saddexdii masuul ee Xilka looga eedeeyay inay Musuq-maasuqeen Raashin Mucaawino ah oo loogu talo-galay Dad dan yar ah.
Saddxedan Masuul oo kala ah Axmed Cumar X Cabdilaahi (Xamarjei , Badhasaabkii Gobolka Maroodijeex, Axmed Cilmi Barre Agaasimihii guud ee Wasaarada dib u dejinta iyo la taliyihii Madaxweyne ku xigeenka Cismaan Jaamac Siciid,waxaana lagu eedayay fadeexado musuqmaasuq oo la xidhiidha raashin gargaar ahaa oo la leexsaday,iyada oo maxkamada saaka la horkeenay iyaga oo isaga xidhan gacmaha.
Maxakamada ayaa u sheegtay masuuliyiinta eedaysan in ay maalinta Sabtida ee toddobaadka dmabe dacwadoodu furmi doonto,iyada oo dhanka xukuumada laga filayo in ay soo gudbiyaan cadaymaha ay u hayaan fadeexadaha lagu eedeeyay saraakiishan.
SDN, Hargeisa Somaliland