|

Xildhibaannadii Gabiley ee shalay Xabsiga lagu guray oo maanta oodda laga qaaday

Gabiley, 11, Mar 2012 (SDN)- Xildhibaannadii Golaha Deegaanka ee shalay lagu xidhay magaalada Gabiley ayaa maanta la sii daayay.

Sida wararku sheegayaan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa amray in la sii daayo dhamaan Xildhibaannadii shalay rabshada ka abuuray xarunta dawladda hoose magaalada Gabiley, kuwaasoo tiradoodu ahayd 12 Xildhibaan.

Xildhibaannada ayaa lagu eedeeyay inay qalalaase ka abuureen xarunta dawladda hoose ee magaalada Gabiley, ka dib markii ay ciidamadu ka hor istaageen fadhi aan caadi ahayn oo ay doonayeen inay xilka kaga qaadaan Maayarka magaaladaas Marwo Khadra Xaaji Gaydh, waxaana la sheegay in Xildhibaanadaasi ay gacanta isa saareen qaar ka mid ah ciidamada ammaanka, kuwaasoo ay Xildhibaannadu khasaare u gaysteen.

Waxa kale oo ay wararku intaas ku darayaan in Wasiirku u fasaxay in Xildhibaannadaas inay fadhigooda qabsan karaan, iyagoo u soo maraya nidaamka sharciga ah.

Dhinaca kale, waxa isagana xabsiga laga sii daayay Wariye Aadan Cabdi Ciidle oo shalay Xildhibaannadaas lala xidhay.

SDN, Gabiley

Said8090@gmail.com

 

Comments are closed