Weerar dad ku dhinteen oo Nairobi ka dhacay,iyo shabaabka oo lagu eedeeyay
Nairobi Mar 11,2012(SDN)-Goob laga raaaco gawaarida dadweynaha oo ku taal badhtamaha magaalada Nairobi ayaa lagu weeraray Bomb kuwa gacanta laga tuuro oo ay ku dhinteen ilaa afar ruux inta la og yahay halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.
Gaadhi xawli ku socda ayaa laga tuuray sadex bomb ka dibna waxa goobtii hareeyay qeylo dhaan iyo qaraxyo isxiga.
Kooxda Al Shabaab ayaa Booliska dalkaasi ay ku eedeeyeen in ay ka danbeeyeen weerarka lagu qaaday caasimadooda.
Afhayeenka Booliska Kenya Charles Owno ayaa sheegay in falkani ahaa mid fuleynimo ah,oo aan joojineyn dagaalka ay Shabaabka kula jiraan.
Ma jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay weerarkan lagu qaaday Nairobi.
SDN-Nairobi