Aqoon isweydaarsi ay si wada jir ah u soo qabanqaabiyeen wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Hay’adda wadaniga ah ee IFAD oo ku saabsanaa horumarinta reer Miyiga oo Hargeysa lagu qabtay
Hargeysa Mar 10,2012(SDN)-Aqoon isweydaarsi ay si wada jir ah u soo qabanqaabiyeen wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Hay’adda wadaniga ah ee IFAD ayna ka soo qayb galeen 15 dhakhtar, ahna mashruuca isku dhafka horumarinta reer Miyiga oo soconayey muddo todoba cisho ah ayaa maanta lagu soo gebegabeeyey Hotel maansoor ee Magaalada Hargaysa.
Waxaa Ugu horayn munaasabadaasi ka hadlay Dr Axmed Xaashi Oday oo ah wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta isagoo kulankaasi ka sheegay ujeedada mashruuca lagu lafo gurayey ay salka ku hayso sidii adeegyada caafimaad ee lagama maarmaanka ah loo gaadhsiin lahaa dadweynaha reer guuraaga ah.
Dr Axmed Maxamed Xaashi oo ka hadlayey warbixinta kooban ee ka soo baxday aqoon isweydaarsigan waxaanu sheegay in eray bixinta shaqooyinka kala duwan uu noqday ajendahii koobaad ee barnaamijkan, taasoo uu ku sheegay in hay’adda IFAD ay ku doonayso in si cad ay u kala muuqdaan mustaqbalka dhow iyo ka dheerba calaamadaha iyo magacyada loo qaadanayo shaqooyinka.
Qorshaha labaad ee aqoon isweydaarsigan laga doonayey ayuu Diktoorku ku sharaxay inuu ahaa sida loo ogaanayo waxa ay dhalinyaradu soo barteen iyo in si hoose loo eego sida ay u isticmaalayaan aqoonta lafteeda, amaba sida uu ruux aqoonyahan ahi ugu shaqayn karo qof reer guuraa ah ama beeraley ah.
Dr Axmed Maxamed Xaashi oo la hadlayey wakaaladda wararka Somaliland ee Solna ayaa waxa uu tibaaxay in lagaga hadlay kulankan cudurada guud ee Xoolaha iyo sida saboolnimada looga saari karo qofka reer miyiga ah ee xoolo dhaqatada ah, halka sidoo kalena la ogaaday in qofka xoolo dhaqatada ahi aanu haba yaraatee ka war haynin dhibaatooyinka hoos u dhigi kara dhoofka xoolahiisa laakiin waxa uu had iyo jeer isku taxalujinayaa waxyaabahii tirada xoolahiisa hoos u dhigi kara taasina waxay ahayd buu yidhi Diktoorku waxyaabaha ka soo baxay aqoon isweydaarsigan.
Dhanka kalena ku xigeenka madaxa hay’adda IFAD ee mashruuca isku dhafka horumarinta Miyiga Sulub Cali Ammaan oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in kulankan ay ka soo qayb galeen kaaliyayaashii farsama yaqaanada xoolaha iyo xanaanayntooda ee gobolada maroodijeex iyo Awdal.
Sulub Cali Ammaan waxa uu ku dheeraaday sida ay lagama maarmaanka u tahay daryeelka xoolo dhaqatada oo ujeedada ka dambaysaa tahay in qof caafimaad qabaa uu hayn karo xoolo caafimaad qaba.
Ugu dambayntii waxaa isna halkaa ka hadlay xidhidhiyaha wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo hay’adaha caalamiga ah Xuseen Cabdilaahi Axmed oo mahadnaq u jeediyey ka soo qayb galayaashii, macalimiintii iyo hay’adda Ifad oo hirgelisay qabsoomidda aqoon isweydaarsigaasi.
Xidhiidhiyuhu waxuu kula dardaarmay dhakhaatiirta inay mar kale awoodda saaraan sidii ay mar kale dhakhaatiirtu ugaga faa’iidayn lahayd bulshadooda waxyaabaha ay ka korodhsadeen kulankan socday mudada todobaadka ah.
SDN-Hargeysa