BERBERI WAXAY EEDAY ANAA LEH!!!
Geeska Afrika waxaa ugu fac-weyn magaalooyinka ku teetsan Xeebaha, ee ay ka midka yihiin: Saylac, Bulaxaar, Berbera, Xiis iyo Maydh. Waxaa Qadiiminimadda u dheeraa magalooyinkaas Xadaarad aad u horaysa oo ay ka gaadheen dhinacyadda kala duwan ee nolosha sida: Diinta Islaamka, Ganacsiga, Kala duwananshaha dadka ku Nool, Luuqadaha iyo Dhaqanadda kala duwan.
Haddii aynu taariikhda dib u raacno ama dadka waayeelka ah aad la sheekaysato waxaad maqlaysaa in dalkeena meelaha ugu qanisan ay aahaayeen magaalooyinkaas xeebaha ku yaala ee ay Berberi ugu horaysay.
Berigii dadkeenu xoolo dhaqatadda u badnaa, waxaa magaalooyinka soo degi jiray reerka xooluhu ka baxaan ama caydhooba. Iyadoo isla markaas waayeelku kula talin jireen reeraha xooluhu ka baxaan inay u kaxeeyaan caruurta Berbera, oo markaas janno ahayd.
Nin waayeel ah oo aan kula kulmay Wasaaradda Waxbarashadda ee Somaliland ayaa iiga sheekeeyey in waagii hore Berbera ay Degi jireen Dad cid walba leh oo xitaa Yuhuudi ku jirtay.Isagoo iigu daray, in malabka Timirta ee ka soo dhalaala Dekeddu uu soo geli jiray xaafadaha oo dadku iska cuni jireen.
Iminkana Berbera waxaa ku dhex bakhtiyey xayawaankii joogay sida Eydii iyo Dameerihii. Sababta ugu weyn ee taas keentay waa reer qudha oo isugu hadhay Magaaladdii Marsadda ahayd Ee Berbera Caday, isla markaana eeday Anaa leh, anaa Haysta, Anaa ka shaqaysta.
Xeerka Muwaadinka waxa uu sharciyeynayaa inuu muwaadinku meeshuu doonaa degi karo, ka shaqaysan karo, islamarkaana maalgashan karo.
By: Abshir Askar Mohamed.
Hargeisa Somaliland.