|

WAR DEG DEG AH: Madaxweyne Siilaanyo oo xilkii ka xayuubiyay 3 Masuul oo lagu eedeeyay lunsi mucaawino masaakiin leedahay iyo Saylici oo ka hadlay

Hargeysa, 10, Mar 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xilkii ka qaaday saddex masuul oo ka tirsan Xukuumaddiisa, ka dib markii lagu eedeeyay lunsi mucaawino dad dan yar ahi lahaayeen, kuwaasoo isla maantaba xabsiga loo taxaabay.

Masuuliyiintan oo kala ah Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar (Xamarje), Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Dibu-dejinta Axmed Cilmi Barre iyo La-taliyihii gaarka ahaa ee Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cismaan Siciid.

Eedaha lagu soo oogay masuuliyiinta ayaa salka ku haya lunsi mucaawino loogu talo galay dadka danyarta ah ee reer Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayaa daboolka ka qaaday xilka qaadista masuuliyiinta, isla markaana waxa uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay sababaha keenay in xilka-qaadistooda.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu sheegay in mucaawinadan ay ahayd mid loogu talogalay dadka danyarta ah ee reer Somaliland, isla markaana markii laga soo dejiyay dekeda Berbera ay lunsadeen dad masuuliyiin ahi, ka dibna la helay mucaawinadii, waxaanu xusay in mar labaad la lunsaday xoolihii maskaaskiinta, taasina ay keentay in xilka laga qaado masuuliyiintan qaranka u shaqaynayay oo iyaga lagu eedeeyay inay falkaas ku kaceen.

“Waxa igu soo dhacday qaylo dhaan odhanaysa xoolihii laga soo raray bakhaarkii markii horeba lagu leexiyay, ayaa haddana lagu arkay aqalo shacab oo lagu xareeyay, waxaan amray ku-simaha taliyaha booliska oo aan ku idhi hawshaa adiga ayaan kuu diray, taliyihii u tagey meeshii wuxuu ku gaadhay hal gaadhi oo raashin ah, waxa meeshaas iiga muuqatay in wixii markii hore la leexiyay ee aanu ka dagaalamaynay haddana mar labaad wado qaldan uu maray. Waxaan mkarkale amray taliyihii inuu kiiskaas degdeg u baadho, gaadhiga uu helay mooyaane, laba gaadhi oo kale oo la lunsadayna uu si degdeg ah u soo qabto. Taliyihii mar kale ayuu ila soo hadlay wuxuu ii sheegay inuu helay hal gaadhi oo kale oo lagu guri dad shacab ahi leeyihiin, waxaanan amray inuu soo xareeyo gaadhiga iyo cidda guriga iska lehba, si loo helo ciddii halkaas dhigtay. Aniga iyo Madaxweynuhuba waxaanu amar buuxa ku siinay inuu ilaa arrintii hore waxaad samaysaan baadhitaan buuxa cidiid ay gashana loo naxariisan maayo.” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka oo ka hadlay sababaha loo xidhay, xilkana looga qaaday masuuliyiinta lagu eedeeyay lunsiga mucaawinada masaakiinta waxa uu yidhi. “Masuuliyiintii loo xilsaaray arrintan inay dhameeyaan waxa noo caddaatay inaanay samayn sidii loogu talogalay, markaanu anaga iyo Madaxweynuhu tashanay runtii anaga oo ka xun in wax masaakiin loo wado in dad ku takrifalaan oo ay qaataan oo ay iibsadaan, saddexdii masuulba Madaxweynuhu xilkii ayuu ka qaaday, kuwaasoo kala ah Agaasimihii Guud ee Dibu dejinta, Badhasaabkii Gobolka Marood-jeex iyo La-taliyihii Madaxweyne ku-xigeenka.” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

SDN, Hargeisa Somaliland

Said M. Askar

Said8090@gmail.com

Comments are closed