Hargeysa: Nin ka soo jeeda Qoomiyada Oromada oo iska soo dal-dalay Fooqa Dahabshiil ee dhismihiisu socdo
Hargeysa, 10, Mar 2012 (SDN)- Nin u dhashay dalka Itoobiya gaar ahaan qawmiyada oromada oo ka mid ahaa dadka u soo haajiray magaalada Hargeysa, si uu uga shaqaysto ayaa xilliyadii dambe ee xalay isku dal-dalay fooqa shirkadda Dahabshiil ee dhismaha lagu wado ee badhtamaha magaalada.
Maydka ninkan ayaa saaka waaberigii la arkay isagoo ka soo dal-dalan oo ka soo laad laada dabaqa sare ee fooqaas oo aad u dheer, waxaana Maydka ninkaas ka soo daadajiyay Ciidamadda Booliiska ee Saldhiga Dhexe ee u dhaw fooqaasi.
Ilaa hada si rasmi ah looma oga sababta uu isku dal-dalay Ninkaasi hase yeeshee sida ay xaqiijiyeen dad yaqaanay ninkaasi waxay sheegeen inuu ilaa shalay ka hor ooyay Suuqa isagoo ku cabanayay in laga dhacay lacagtii uu shaqaysan jiray.
Inkastoo aan la hubin Caafimaad ahaan inay arrintaasi ku sababtay Dilkiisa hadana sida ay dadkaasi sheegayaan waxa uu meeraysanayay badhtamaha Suuqa Hargeysa halkaas oo uu xalay Saqdii Dhexe markay ahayd isku dal-dalay fooqaasi
SDN, Hargeisa Somaliland