11 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley oo xabsiga la dhigay iyo ujeedada xadhigooda
Gabiley, 10, Mar 2012 (SDN)- Xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka Gabiley oo xabsiga lagu guray ka dib markii ay isku dayeen inay qabsadaan fadhi aan caadi ahayn, si xilka uga tuuraan Maayarka magaaladaaas Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo muddooyinkii u dambeeyay xilka guddoomiyenimo haysay, isla markaana ugu doortaan maayar cusub.
Ciidamadda ammaanka ayaa ka hor istaagay isku daygaas xildhibaannada, waxaanay xidlhibaannadu rabshad ka abuureen xarunta dawladda hoose Gabiley, halkaasoo la sheegay inay khasaare gaadhsiiyeen dhismaha xaruntaas. waxaana Ciidamada ammaanku xabsiga dhigeen 11 ka mid ah Xildhibaannada Golaha deegaanka Gabiley.
Xildhibaanada la xidhay waxay kala yihiin:-
Xildhibaan Muxumed Geelle Seed
Maxamed Muxumed Nuur Land-rover
Maxamed Siciid Cige Toyota
Muxumed Xasan Meecaad
Aadan Muxumed Badde
Maxamed Axmed Qaalib Samir
Maxamed Cumar Warsame
Maxamed Ibraahim X Maxamed
C/raxmaan Ibraahim Faarax
Maxamed Cabaas Jaamac
Xuseen Maxamed Jameeco.
Isku daygan Xildhibaannada ayaa waxa ka dambeeyay ka dib markii uu xilkii iska casilay Maayarkii hore ee degmadaas oo sannadkii hore maamuus ka xayuubin lagu sameeyay, markii lagu eedeeyay musuqmaasuq, iyadoo si ku-meelgaadh ah xilka maayarnimo ay ula wareegtay Marwo Khadra Xaaji Gaydh.
SDN, Gabiley