|

Xayaysiinta iyo xeeladda ku jirta!

Kadib lafo-gur badan oo aan ku sameynay shirkaddaha iyo ganacsiyadda  kala duwan ee ka jira jamhuuriyada Somaliland gaar ahaan magaaladda hargeysa.

Iyadoo aan aad ugu kuur galnay Shirkadaha wax xayeysiiya iyo weliba waxa ay qabtaan, ayaa aanu jeclaysanay inaanu dadka u soo bandhigno natiijaddii ka soo baxday baadhistayadaas la xidhiidhay, Meheradda ganacsiga iyo siday ugu kala horeeyaan xayeysiinta iyo weliba nooca warbaahinta ee ay isticmaalaan kuna xayeysiiyaan ganacsigooda iyo xeeladda k dambaysa.

Intaynaan mawduceena u gundo deign, aan isweydiino waa maxay Xayeysiintu ?

Xayeysiintu waa habka macluumaad gaadhsiinta macmiilka, si loogu baraarujiyo hadba wixii cusub ee la soo kordhiyey.

Sida ay qabaan aqoonyahanadda culuunta suuq-geyntu, xayeysiinta waxaa  loo kala qaybiyo laba nooc, oo kala ah:-

  1. 1.      Habka Ogaysiinta ama u sheegista.
  2. 2.      Iyo Habka ku dhiiri gelinta ama ku qalqaalinta,

Inta badan Somaliland shirkadaha ka dhisani waxay isticmaalaan habka ku qalqaalinta, waxaana aad u yaqaana habkaas ganacsiyada waaweyn.

Marka aan u gundo degno, shikada ugu horeeya xaga xayeysiinta dalkeena waa sidan:

  1. DAHABSHIIL/SOMTEL COMPANY: waxay isticmaasha noockasta oo kamid ah hababka saxaafadda sida: TV-yada joornaaladda, Boodhadhka, website-yada, Buugaagta  Xayaysiiska IWM
  2. TELESOM COMPANY : waxay isticmaasha noockasta oo kamid ah hababka saxaafadda sida: TV-yada, Joornaaladda, Boodhadhka, website-yada, Buugaagta  Xayaysiiska IWM.
  3. AL NOUR FURNITURE: waxay isticmaasha noockasta oo kamid ah hababka saxaafadda sida: Boodhadhka, TV-yada IWM.
  4. NORADIIN SCHOOLS: waxay isticmaasha noockasta oo kamid ah hababka saxaafadda, ee  kala ah: Boodhadhka, TV-yada IWM.
  5. JUBA AIRWAYS: waxay isticmaasha noockasta oo kamid ah hababka saxaafadda sida: TV-yada, Joornaaladda, Boodhadhka, website-yada, Buugaagta  Xayaysiiska IWM.
  6. DAALLO AIRWAYS: waxay isticmaasha noockasta oo kamid ah hababka saxaafadda sida: TV-yada, Joornaaladda, Boodhadhka, IWM.
  7. MILGO DIGITAL PHOTO: waxay isticmaasha noockasta oo kamid ah hababka saxaafadda sida: Joornaaladda, Boodhadhka, Garamada  Xayaysiiska IWM.
  8. DARYEEL CONSTRUCTION COMPANY: waxay isku xayaysiisaa Joornaaladda, Boodhadhka, website-yada, IWM.
  9. SALAAMA SCHOOLS: Waxay isticmaalaan Radyowga iyo Boodhadhka wadooyinka.
  10. DEKEDDA BERBERA: waxay isticmaashaa Magazine-nadda Dibada iyo TV-ga Qaranka.

N.B: Warbixintan waxaa laga sameeyey qiimayn iyo macluumaad la ururiyey Sanadkii ina dhaafay ee 2011 kii.

Lasoco qaybta 2aad

By: Abshir Askar Mohamed.

Comments are closed