|

Midawga Yurub oo Somaliland ugu deeqay 3.8 Million EUROS

Hargeysa Mar 09,2012(SDN)-Midawga Yurub ayaa shaaca ka qaaday in ay aduun dhan 3.8 million oo euro ku bixineyso hirgelinta mashruuca Berbera Coridoor oo ah mid isku xidhaya dekedda Berbera iyo Itoobiya.

Mashruucan oo si weyn gacan uga geysan doona isku xidhka dhaqaale ee dalalka Geeska Africa ayaa waxa dhawaan la gudo geli doonaa qiimeynta saameynta uu ku yeelan karo biiada iyo dhaqaalahaba degaanada marinka laga hirgelinayo.

Wado isku xidha dalka Itoobiya iyo dekedda Barbera oo sii mari doonta Hargeysa oo loogu magac daray Berbera Coridor ayaa ah mid sanado dhawr ah loo baadi goobayay maalgelin.

Uqaabilsanaha Midawga Yurub ee Somaliland Geoges Marc Andre oo mar uu ka hadlay mashruucan waxa uu sheegay ahmiyada ay marinka Berbera u leedahay dalalka Gobolka iyo gacanta ay reer Yurub ka geysanayaan meel marintiisa.

Dawlada Itoobiya ayaa haatan ganacsigeedu si weyn ugu tiirsan yahay uun dekedda Jabuuti,marinka Berbera ayaa waxa uu fursad dheeri ah u noqonayaa dalka Itoobiya si ay dhaqaaleheeda iyo wax soo saarkeedaba u dardar geliso.

 

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasoranews.com

Comments are closed