Talyaaniga oo sharaxaad ka dalbaday UK ka dib hawlgalo Nigeria laga fuliyay oo la heysteyaal ku dhinteen
Roma Mar 09,2012(SDN)-Madaxweynaha dalka Talyaaniga Giorgio Napolitano ayaa dhaleeceeyay in dawlada UK aaney la wadaagin qorshe ay dooneysay in ay ku soo furato laba nin oo midkood yahay Talyaani ka kalena uu u dhashay UK.
Labadan nin oo ka hawlgelayay goob shidaalka laga soo saaro ayaa waxa ay gacanta u galeen kooxda xagjirka ah ee Boco Xaraam.
Ciidamada Britain ayaa dagaal sacaado qaatay la galay meliishaad raga ku heystay aqal ku yaal degaanka Sokoto,balse meliishaadka ayaa dilay labadii la heyste.
Sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Boko Xaraam oo la qabtay maalinimadii talaadada ayaa sheegay goobta ragaa lagu hayo.
Madaxweyneyaasha dalalka Talyaniga iyo Nigeria ayaa qaba in la heysteyaashu ay dileen meliishaadkii heystay.
Madaxweynaha Talyaaniga oo dhaleeceeyay qaadida hawlgalka tiyoon dalkiisa lala tashan ayaa UK ka dalbaday in sharaaxaad la siiyo.
SDN-Rome