|

Nin Soomaali ah oo lagu qabtay xadka u dhexeeya Mareykanka iyo Canada

Detroit Mar 09,2012(SDN)-Nin la sheegay in dhalashadiisu tahay Soomaali oo isku deyay in uu Mareykanka galo ayaa lagu qabtay xadka dalkaasi la leeyahay Canada.

Sida ay daabacday saxafada Mareykanka Ninkan ayaa sitay dhalashada dalka Mareykanka isla markaana la socday gaadhi Taxi ah.

Ilaalada xadka ayaa kolkii ay u kuurgaleen waraaqaha ninkani sitay waxa ay weydiiyeen halka uu ka yimi isla markaana uu ku socdo waxa uu sheegay in uu ka yimi goob lagu khamaaro ku taal guddaha Canada isla markaana uu ku noqonayo Mareykanka.

Ninkan la socday Taxiga ayaa sitay waraaqo ruux ku nool Ohio,saraakiisha ayaa weydiiyay sida uu aqalkiisa ku tegayo.

Wareysi ka dib waxa soo baxday in ninkani aanu aheyn ruuxa uu sheegtay ee uu yahay 52jir la yidhaa Xasan Nur oo Soomaali ah.

Ninkan ayaa lagu xukumi karaa 15 sanadood hadii lagu helo denbigan.

SDN-Detroit

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed