Xuska Maalinta Caalamiga ah ee 8 March oo looga dabaal-degay Somaliland iyo Sanduuq Dhaqaale oo lagaga dhawaaqay
Hargeysa 08, March 2012 (Qurbejoog.com)- Xuska maalinta caalamiga ah ee Haweenka Adduunka, ayaa maanta si wayn looga xusay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.
Xuskankan oo lagu qabtay hoolka guriga shaqaalaha dawladda, waxa ka qaybgalay wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland, Agaasimaha guud ee wasaaraddaas, guddoomiyaha urur-siyaasadeedka NDB, wakiilo ka kala socday ururada bulshada iyo kuwa caalamiga ah iyo marti sharaf kale.
Xuskan waxa abaabulkiisa iska kaashaday wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland, ururka Haweenka qaranka ee NOW iyo Isku-xidhka dallada ururada Haweenka Somaliland ee NEGAAD, waxaana hal-ku-dhiga sanadkani yahay “TAAGEER HAWEENKA MIYIGA, SI LOO CIDHIB-TIRO SABOOLNIMADA.”
Ugu horayn, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mr. Baashe Axmed Yuusuf oo hadal ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu ka hadlay doorka haweenka Somaliland kaga jiraan horumarka dalka, gaar ahaan kaalinta siyaasadda. Waxa kale oo uu ka hadlay xuska caalamiga ah ee 8 March, xilligii uu bilaabmay iyo sababaha uu ku bilbaabmay intaba.
Agaasimaha Fulinta ee Negaad marwo Nafiisa Yuusuf iyo guddoomiyaha ururka NOW marwo Aniisa Nuur Cigaal oo iyana halkaas ka hadlay, waxay ka warameen agaasinkooda munaasibadaas, waxayna u mahadceliyeen hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa UN-ta ee gacanta ka geystay munaasibadaas, sida UNDP, UNHCR, NRC iyo sidoo kale kuwo wadani ah.
Guddoomiyaha hay’adda wadaniga ah ee Candle Light marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo iyana hadal dheer ka jeedisay munaasibadaas, waxay ka warantay doorka siyaasiga ah ee haweenku kaga jiraan qaranka. Waxa kale oo si qotodheer uga hadashay duruufta nololeed ee haweenka reer Miyiga ahi ee Somaliland ku nool yihiin.
Shukri Baandare oo mar ka tirsanayd Komishankii u horeeyay ee doorashooyinka Somaliland, waxay dawladda iyo hay’addaha caalamiga ah ugu baaqday inay taageeraan reer miyiga oo ay sheegtay inay ku tiirsan tahay nolosha iyo dhaqaalaha Somaliland. Waxa kale oo ay soo jeedisay in la taageero marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden oo ah haweenaydii u horeysay ee aasaasta urur siyaasadeed.
Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka cusub ee Nabad, Dimoqraadiyad iyo Barwaaqo marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden oo iyana hadal ka jeedisay munaasibadaas, waxay tilmaantay duruufta ku gedaaman haweenka, gaar ahaan dhinaca siyaasadda, waxayna sheegtay in caqabadaha haysta ay ugu wayn yihiin kalsooni la’aan aanay ku dhiiranaynin siyaasadda iyo dhaqaale-xumo.
Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland marwo Ilhaam Maxamed Jaamac oo iyana hadal ka jeedisay munaasibadaas, waxay ka warantay kaalinta ay haweenku hadda kaga jiraan siyaasadda goleyaasha dawladda, waxayna sheegtay in xaddiga kuraasta tirada yar ee ay haystaan aanay ahayn kuwo ku filan haweenka.
Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshadu waxay ka warantay duruufo adag oo ay sheegtay inay ka jiraan afar gobo loo dhinaca bariga ah oo ay shalay socdaal kaga soo laabatay, waxayna sheegtay in haweenka ku nool miyiga gobolladaasi ay yihiin kuwo nolol adag oo dhinaca caafimaadku ugu wayn yahay ku jira. “Markaa si wax looga qabto nolosha dadkaas, waxaan soo jeedinayaa in hay’addaha caalamiga ahi wax u qabtaan oo MCH-yo loo dhiso. Waxa kale oo aan jeclahay in aan halkan kaga dhawaaqo in Sanduuq Dhaqaale loo furay haweenka reer Miyiga ah ee Somaliland, si caafimaadkooda wax loogu qabto,” ayay tidhi.
Gebogebadii, waxa qaadhaankii u horeeyay ku dhawaaqay marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo wasiirki ihore ee Khaarajiga Somaliland marwo Edna Aaden Ismaaciil oo midkoodba 100 doolar ($100) goobtaas kaga yaboohday.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com