|

Askari hore uga tirsanaa ciidamada Mareykan ah oo lagu soo oogay in uu damacsanaa in uu Shabaabka ku biiro

New York Mar 08,2012(SDN)-Askari hore ugu tirsanaa ciidamada dalka Mareykanka ayaa lagu soo oogay denbi la xidhiidha in uu damacsanaa in uu gacan siiyo kuna biiro kooxda Al Shabaab oo Mareykanku argegixida u aqoonsan yahay.

Xeer ilaalinta Mareykanka ayaa shalay ku oogtay denbiga eedeysane Craig Benedict Baxam dacwadan oo uu ku muteysan karo 15 sanadood oo xadiga hadii lagu helo denbiga.

Baxam oo 24 jir ah ayaa ciidamada Mareykanka ka tirsanaa sanadihii 2007dii ilaa 2011kii,waxaana la qabtay bishii kowaad ee sanadkan kiyoo ka soonoqday Africa.

Denbi oogeyaasha ayaa ku eedeeyay Baxam in uu iibiyay gebi ahaan lacago dawladu ugu qoondeysay in uu ku noolaado xiliga hawlgabka isla markaana uu qorsheynayay in uu tago Kenya ka dibna uu halkaa uga biiro Shabaabka.

Ciidamada Kenya ayaa ku qabtay Niarobi oo dib ugu soo celiyay Mareykanka ka dibna sidaa lagu qabtay.

Qareenka ninka ayaa ku andacoonayaa in uu Baxam degdegay isla markaana uu u kuurgelayay diintiisa uun ee aanu Shabaab ku biireyn.

SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed