|

Shirweyne lagaga hadlayey waxqabadka hay’adaha qaramada midoobay iyo doorka ay saxaafada Somaliland ku leedahay ayaa maanta lagu qabtayHargaysa

Hargeysa Mar 07,2012(SDN)-Shirweyne lagaga hadlayey waxqabadka hay’adaha qaramada midoobay iyo doorka ay saxaafada Somaliland ku leedahay ayaa maanta ka furmay Hotel maansoor ee magaalada Hargaysa.

Furitaankii shirkan waxaa ka soo qayb galay Wasiirada Wasaaradaha Arimaha dibada Dr maxamed cabdilaahi Cumar, Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Cismaan Garaad Soofe, Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Warfaafinta, Arrimaha gudaha iyo Qorsheynta, iyadoo kalena ay ka soo qayb galeen hay’adaha qaramada midoobay ee ku sugan Somaliland oo uu hor kacayo xidhiidhiyaha qaramada midoobay ee arimaha gargaarka bani’aadanimada ee Somaliland iyo Somalia Mr Marc Bowden, iyo weliba bah’da  saxaafada Somaliland oo  lagu soo  casuumay.

Wasiirka arimaha dibada ee Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo shirweynahaasi furay ayaa u sharaxay ka soo qayb galayaasha Waxqabadkii u hirgalay mudadii gaabnayd ee ay xukuumadani talada dalka haysay, waxuuna si gaar ah u soo qaatay xaaladda haweenka, iyo sida loo xakameeyey dhibaatooyinkii soo wajahi jiray haweenka marka ay umulayaan, halka sidoo kalena kor loo qaaday ayuu yidhi Wasiirku nolosha iyo xirfadda shaqaalaha iyo ciidamada, isagoo cadeeyey in arimahaasi hirgelintooda ay hay’adaha qaramada midoobay door weyn ka qaateen.

Wasiirka arimaha dibadda ee Somaliland oo ka hadlayey ujeedada kulanka maanta waxa uu sheegay in dib la isula eegayo waxqabadka hay’adaha samafalka ee Somaliland ku sugan iyo doorka ay saxaafadda somaliland ka qaadatay.

Wasiirku waxuu sheegay in saxaafadda Somaliland ay horumar la taaban karo samaysay mudadii ay jirtay, isla markaana ay si xirfadaysan uga jawaabaan hawlaha ka socda wadankan, waxaanu ka dalbaday Wasiirka arrimaha dibadu hay’adaha Qaramada Midoobay in Suxufiyiinta somaliland ay fursad u siiyaan ka qayb galka shirarka caalamiga ah iyo  kulamada heer goboleedka ah  sida kii ugu dambeeyey ee Addis-ababa ku qabsoomay.

Wasiirku waxa uu tilmaamay inay Somaliland ay tahay dal nabdoon kuna yaala mandaqad ay dhibaatooyin badani ka taagan yihiin, waxaanu Saxaafada ku baraarujiyay sidii ay isaga hubin lahaayeen wararka ay ummada u baahinayaan.

Dr Maxamed cabdilaahi Cumar waxa uu sheegay in shirkii London ee dhowaan qabsoomay ay Somaliland ka heshay ammaan ay u soo jeediyeen ka soo qayb galayaashii ka kala socday adduunka, isla markaana la garawsaday nidaamka Dimuqraadiyadeed iyo hanaanka maamul wanaag ee ay Somaliland gaadhay.

Marc Bowden oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maanta  Somaliland iyo beesha caalamka ay u tahay maalin weyn oo ay ka wada hadlayaan sida looga gudbayo caqabadaha hortaagan saxaafadda iyo shaqadeeadaba.

Marc Bowden waxa uu sheegay in hay’adaha qarmada midoobay ee ka hawlgala Somaliland ay ka shaqeeyaan 450 ruux kuwaasoo 90% ay Somaliland u dhasheen kuna kala sugan guud ahaan gobolada Somaliland. iyadoo la waafajinayo ayuu yidhi heshiisyadii aanu la galnay dawladda Somaliland.

Xidhiidhiyaha Qaramada midoobay ee arimaha gargaarka iyo bani’aadanamida oo ka hadlayey safarkiisii Burco ee maalintii shalay ayaa sheegay inuu ku taxaluqay arimaha gargaarka ee Somalialnd oo uu ku sheegay inay sanadkii hore gaadhay ilaa 140 Milyan oo Doollar. dhaqaalahaas oo lagu bixiyey dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, Biyaha, saxada deegaanka, Beeraha, nabadgelyada iyo maamul wanaajinta.

 SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed