Agaasimihii iscasilay ee wasaaradda Khaarajiga Somaliland oo ka hadlay xayiraada lagu soo rogay iyo sida uu u arko sharciyada loo maray
Hargaya 07, March 2012 (Qurbejoog.com)- Agaasimahii guud ee iska casilay wasaarada Khaarajiga Mr. Maxamuud Raage, ayaa sheegay inuu wali xayiran yahay, isla markaasana aanu garanayan cid uu u xaniban yahay.
Sidoo kale waxa uu Mr. Raage sheegay inaanu jirin wax sharci ah loo soo maray xayiraadda socdaalka laga saaray, isagoo sheegay inuu wasiirka arrimaah dibadu qirtay musuqmaasuqa uu hore ugu eedeeyay.
Agaasimaha hore ee is casilay oo ka hadlaya xayiraada laga saaray inuu dalka ka baxo, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Wali waan xanibanahay warqadahaasuna waxay yaalaan waaxda socdaalka, warqadaasna wax maxkamad ah lama soo marin, markaan doonay in warqadii lay siiyana taliska CID-du waxa ii sheegay in aan isaga gacanta laga soo saarin wax warqada ah, laakiin telefoon uu wasiir ku soo amray xayiraadaas.” Ayaa uu yidhi, waxanu isaga oo hadalkiisa sii wata uu yidhi “Sida dadka reer Somalilandba ay u arkaan ma taalo sabab xoriyada layga qaadaa, waayo shaqaan ka tagay anigaana go’aansaday sababtaan uga tagayna waan sheegay, oo waxay ahayd lacagta umadda laga qaatay, wasiirkiina wuu qirtay oo waxa uu yidhi lacagta badhbaan hayaa safaaradahana waan xidhay, hadduu wasiirkii qirtay aniguna aan shaqadii iskaga tagay, sabab xoriyada layga qaadaa meesha ma taalo.”
Sida oo kale waxa uu Maxamuud Raage sheegay in hanti dhawrka qaranku uu hore ugu jiray wasaarada oo uu baadhitaanka waday. “Hanti dhawarku wasaarada dee hore ayuu ugu jiray muddo saddex bilood ahna waa uu ku jiray, wax indhihiisa ka qarsoonina ma jiraan, wax walbana waa uu ogyahay, hanti dhawr uu wasiirku galiyayna muu ahayn, iyada taas laftigeeduna qalad bay ahayd inuu wasiirku yidhaahdo anigaa galiyay hanti dhawrka wasaarada, waayo hanti dhawrka madaxweynaha ayuunbaa galin kara wasaarada,” ayuu yidhi agaasimihii wasaaradda Khaarajiga ee iscasilay.
Maxamuud Raage oo ahaa agaasimahii guud ee wasaarada arimaha dibada ayaa muddo ka hor xilkaas iska casilay isaga oo soo faqay musuq xoogan oo uu sheegay inuu ka dhex jiro wasaarada arimaha dibada, inkastoo uu wasiirka arrimaha dibadu beeniyay.
Source: Geeska