|

Ciidamo reer Jabuuti ah oo lagu laayay Muqdisho

Muqdisho Mar 07,2012(SDN)-Labo ka mid ah Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah kuwa Africa ee Muqdisho jooga ayaa lagu dilay xero ay kaga jiraan magaalada caasimada ah,ka dib kolkii ruux aan la garanin ku tuuray walxaha qarxa.

Waa ciidamadii u horeeyay ee ka socda Jamhuuriyada Jabuuti ee ku dhinta magaalada Muqdisho tan iyo intii 900 oo askeri oo reer Jabuuti ah lagu biiriyay 12ka kun ee Askeri ee AMISOM.

Weerarkan lagu qaaday xero ku taal wadada wershadaha oo xarun u ah ciidamada Jabuuti ayaa waxa ku dhaawacmay afar askeri oo kale.

Ma jirto ilaa iyo haatan koox sheegatay weerarkan lagu dilay askarta reer Jabuuti,waxaase loo aaneyay kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jirta ciidamada AMISOM.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed