Liibiya oo cagta saartay wadadii Soomaaliya,maxeyse talaabadani uga dhigan tahay reer Galbeedka
Bengazi Mar 07,2012(SDN)-Madaxda qabaail iyo malayshiyada hubaysan ee ku sugan bariga dalka Liibiya ayaa maanta ku dhawaaqay in ay sameysnayaan dawlad goboleed hoos timaada xuluumada guud ee dalka Liibiya , oo la magac baxay Barqa caasimadiisuna tahay Benqaasi .
Waxana ay sheegeen in ay sameynayaan gudi ka hawl gali doonta hori marinta bariga dalkaasi , oo dib dhac ku yimid afartankii sano ee u dalkaasi hogaaminayey kornayl Mucamar Al-Qadaafi , iyadoo musuul ka noqon doono maamulka Bariga Liibiya .
Geesta kale , Bariga dalka Liibiya waxa uu yahay halka ugu badan ee shidaalka laga soo saaro , iyadoo bariga dalkaasi yahay halkii uu ka bilaamay kacdoonkii xilka lagaga tuuray Kornay Qadaafi, hase ahaate , waxa imika dalka Liibiya ka jira kalo dambayn La’aan , iyadoo amarada xukuumada gobolada qaarkood ayna ka socon , taas oo ay sabab u yahay hubkii qaranka Liibiya oo gacanta u galay dad shicib ah oo hab qabaaoleed u qeybsan.
SDN-Bengazi