|

Aqoon is weydaarsi lagu lafo gurayay sida ugu suurto galsan ee Haweenku ugu soo bixi karaan doorashooyinka Golayaasha Deegaanka oo Hargeysa lagu qabtay

Hargeysa Mar 06,2012(SDN)-Aqoon is weydaarsi lagu lafo gurayay sida ugu suurto galsan ee Haweenku ugu soo bixi karaan doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo dariiqa ugu haboon ee wacyigooda kor loogu qaadi karo ayaa Maanta lagu qabtay huteelka Sammer Time ee Caasimada Hargaysa.
Tababarkan oo ay ka qaybgaleen 40 haween ah oo ka kala socda  lixda gobol ee waaweyn ee  Somaliland , waxaa ugu horayn madashaasi hadal  kooban  oo furitaan ah ka soo jeedisay madaxa hayadda progressio Sucaad  Ibraahin Cabdi , oo  sheegtay  in ay aad ugu faraxsan tahay  in ay aragto   haween isu soo taagaya  sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen doorashooyinka  golaha deegaanka  , dhinaca kale  waxay  Marwo Sucaad  ay sharaxday ahmiyada ku jirta sidii ay dumarku uga dhex muuqan lahaayeen masraxa siyaasada iyo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen hogaaminta wadanka .  

Agaasimaha  fulinta  ee hay’ada  FOPAC  oo tababarkan soo qaban qaabisay Marwo  ismahaan  Cabdisalan oo iyaduna  halkaasi ka hadashay   ayaa ka warantay   tababarkan iyo sidii  loogu baahan yahay in lagu  garab istaago haweenka  in ay kaalintooda ka qaataan sidii ay saami uga heli lahaayeen ka qayb galka siyaasada wadanka waxaanay  haweenka Somaliland ku guubaabisay sidii ay fusadan uga faa’iidaysan lahaayeen.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed