Budhcad-badeeda haysata Markabkii ku socday Berbera oo siidayntiisa shardi uga dhigay in Somaliland ugu bedesho Maxaabiis ay xukuntay
Hargeysa 06, March 2012 (Qurbejoog.com)- Koox ka tirsan Budhcad-badeeda Soomaalida oo haysta Markab u rarnaa ganacsato reer Somaliland ah, ayaa siidaynta markabkaas ku xidhay in dawladda Somaliland ugu bedesho Maxaabiis ay fal-dambiyeedyo Budhcad-badeednimo u xukuntay.
Siday faafisay wakaalada wararka ee Reuters, nin magaciisa ku sheegay Yuusuf Cali oo ka mid ah budhcada haysata markabkaas oo lagu magacaabo MV Leila oo ka diiwaangashan dalka Panama, waxa uu Isniintii shalay sheegay inay rejaynayaan helitaanka lacag Madax-furasho oo kooban oo markabkaas laga siiyo, balse ay doonayaan in masuuliyiinta dawladda Somaliland siidaayaan saaxiibadooda xukuman ee xabsiyada dalka qaarkood ku jira. “Ma sii dayn doono Markabka inta laga sii daynayo maxaabiista (Somaliland xukuntay). Somaliland waxay way na hadidaa, waxayna nagu xukuntaa 20 sannadood oo xabsi ah, halka aanu Yemen ku qaadano 7 sanno oo keliya,” ayuu yidhi ninkaa Budhcad-badeeda u hadlay oo joogay goob qarsoodi ah.
Ninkaas oo u waramay Telefishanka Horn Cable, siday Reuters sheegtay, waxa uu ka hadlay qorshaha ay markabkaas oo Imaaraadka Carabta laga leeyahay u afduubeen. “Waxaanu markabka u afduubnay si aanu farriin ugu diro ragga ganacsatada ahi inay dawladooda ku qanciyaan sii daynta saaxiibadayo,” ayuu yidhi.
Markabka oo badhtamihii bishii hore la qafaashay, waxa la sheegay in lala tegay xeebta Baargaal oo u dhow magaalo-dekedeeda Boosaaso.
Dhawaaqan Budhcad-badeeda markabka haysata ka soo yeedhay waxa uu ka dambeeyay markii dhowaan Baarlamaanka Somaliland ansixiyay xeerarka ku saabsan la-dagaalanka Budhcad-badeeda Soomaalida.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com