|

Erdogan oo fariin u diray Xukuumada Bashaar Al Asad

Istanbul Mar 06,2012(SDN)Raiisal wasaaraha dalka Turkiga  Rajib  Dayib  Erdogan ayaa  xukuumada Suuriya  ugu baaqay in ay u ogolaato  sahayda gargaarka ah in la gaadhsiiyo  dadka u baahan , gaar ahaan  kuwa ku nool  magaalada Xumus iyo degaanada  ku hareeraysan .

Mr. Erdogan  waxa kale  uu baaqiisa  ku sheegay in siyaasada dilka iyo  cabudhinta ku fadhida ayna xukuumada Suuriya  ku gaadhayn  deganaansho qasab ah , hase yeeshee maamulka Suuriya  iyo dadweynaha dalkaasi waxa u wanaagsan ,in  dawlada Suuriya ee uu madaxweynaha ka yahay Mr. Bashaar Al-Asad  raaco qorshiyihii jaamacada Carabtu  u soo bandhigtay .

Geesta kale ,  Ergayga qaramada midoobay  ee arimaha xuquuqda aadamaha  u qaabisan    Miss. Valery Amos  ayaa caawa   tagaysa caasimada dalkaasi  Suuriya  ee Dimishiq , iyadoo  kulano la yeelan doonto  wasiirka arimaha dibada  ee dalkaasi Mr. Waliid Mucalimi  iyo madaxda hayadaha laan qayrta Cas iyo Bisha Cas .

 SDN-Istanbul

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed