|

Urur Siyaasadeedka SSCD oo xafiis ka furtay magaalada Laascanood

Laascaanood Mar 06,2012(SDN)-Munaasibad lagu furayey xafiiska urur siyaasadeedka SSCD ee magaalada  Laascaanood   ayaa maanta lagu  qabtay  xarunta gobolkja Sool  .

Munaasibadan  oo ay  kasoo qeyb galeen  aqoon  yahano , Salaadiin , Dhalinyaro  iyo haween  ayaa waxa ugu horeyn halkaasi ka  hadlay gudoomiyaha  ururkaasi ee gobolka Sool C/qaadir  Maxamed  Adar  oo ka waramay Barnaaijka  siyaasadeed ee ururka SSCD , isla markaana u mahad celiyey dadka kasoo qeyb galay xafladaasi .

Waxa sidoo kale  iyana halkaasi ka hadlay xubno  iskugu jira Odayaal , haween  iyo dhalinyaro, kuwaasoo sheegay in ay garab taagn yihiin ururka SSCD , isla markaana ay gobolka ku soo dhaweeyn doonaan .

SDN-Laascanood

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed