|

Madaxtooyada oo ballan-qaad u samaysay Agoon iyo Naafo cabasho la hortagey

Hargeysa, 06, Mar 2012 (SDN)- Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ballan qaad u sameeyay daweyne isugu jira naafo iyo agoomaha ciidanka qaranka oo cabasho la hotagey xarunta Madaxtooyada.

Naafadan iyo agoomaha ciidanka qaranka ayaa maalmihii u dambeeyay ka cabanayay in laga jaray gunno ay ka qaadan jireen Wasaaradda Gaashaan-dhiga, iyagoo shalayna cabashadooda la tagey Wasaaradaas, balse ay ku wargeliyeen Masuuliyiintii Wasaaraddu in meel kale loo wareejiyay mushaharkoodii iyo gunnadoodii, waxaanay maanta cabashadooda la hortageen xarunta Madaxtooyada, isla markaana waxa dadkaas la hadlay oo u sheegay in cabashadoodu gaadhay Madaxweynaha Afhayeenka Madaxweynaha oo kula hadlay afaafka hore ee Madaxtooyada.

Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxa uu u sheegay dadkaas inay iska xulaan cid matasha, kuwaasoo uu sheegay inuu Madaxweynuhu bari la kulmi doono, si uu u dhegaysto waxay ka cabanayaan, waxna uga qabto.

Naafadan iyo agoomahan cabanayaa sida ay warbaahinta u sheegeen waxa laga jaray gunno yar oo ay ka qaadan jireen Wasaaradda Gaashaan-dhiga, iyagoo tilmaamay meeshii loo sheegay in loo wareejiyayna ay ka waayeen.

SDN, Hargeisa Somaliland

Said8090@gmail.com

Comments are closed