Safiirka Mareykanka ee Jabuuti oo la kulmay axsaabta mucaaridka dalka
Jabuuti Mar 06,2012(SDN)-Safiirka dalka Mareykanka u fadhiya Jamhuuriyada Jabuuti Geeta Pasi ayaa kulan wada jir ahaa la qaatay madaxda xisbiyada Mucaaridaka Jabuuti.
Safiirka ayaa kulankan ku qaabilay madaxda axsaabta ARD, UDJ, iyo PDD PND,waxaana looga wada hadlay xaaladihii u danbeeyay ee Jabuuti iyo kuwa gobolka.
Axsaabta ayaa wada jir uga mahadceliyay sida beesha caalamku ugu soo jeesatay wax ka qabashada xaalada Soomaaliya.
Sidoo kale waxa ay axsaabtu kala hadashay Mareykanka sidii Jabuuti loogu soo dabaali lahaa nidaam siyaasadeed oo ka turjumaya rabitaanka shacabka reer Jabuuti.
Axsaabtu waxa ay Mareykanka u sheegeen in danahooda ciidan ee Gobolka ku xidhan tahay nidaam xasilooni u horseeda gobolka oo Jabuuti laga hir geliyo.
Safiirka Mareykanka ayaa kulanka ka sheegay in dawladiisu diyaar u tahay in ay wax la qabato shacabka reer Jabuuti.
Reer Jabuutina looga fadhiyo sidii ay nidaam ay u wada dhan yihiin oo horumar u horseeda dalkooda la yimaadaan.
SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com