|

Berbera: Dadweyne dibad-bax ku muujiyay siday uga soo horjeedaan Wershad Sibidh oo hirgelinteeda Dahabshiil la siiyay iyo odayaal la xidhxidhay

Berbera 05, March 2012 (Qurbejoog.com)- Ciidanka amniga ee magaalada Berbera, ayaa xidhay qaar ka mid ah waxgaradka iyo odayaasha gobolka Saaxil.

Siday sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaadhay halkaas, xadhigan oo ka dambeeyay markii ay guddi dhinaca bulshada Berbera ahi ka soo horjeesteen dhismaha wershad labaad oo Sibidh oo shirkadda Dahabshiil ruqsad lagu siiyay inay ka hirgeliso duleedka magaaladaas, waxa uu sababay mudaharaad barqonimadii ka dhacay gudaha magaaladaas.

Sida la sheegay xubnaha la xidhay waxa Xoghayaha guddi ay beesha Berbera ku dooratay shir ay bishii September ee sannadkii tegay ku qabsatay degaanka Dubur ee gobolka Saaxil, wuxuuna xadhigaas dhaliyay in dadweyne ka gadoodsan hirgelinta wershada labaad ay mudaharaad kooban ka dhigaan magaaladaas.

Dhinaca kale, xubno ay ku jiraan ganacsatada iyo waxgaradka Berbera, ayaa si adag u naqdiyay hirgelinta wershada labaad ee Sibidhka oo ay shirkadda Dahabshiil ka dhisayso duleedka wershadii hore ee Sibidhka oo muddo dheer aan shaqaynin. “Waxaan doonayaa in aan ka hadlo arrin maalmihii u dambeeyay hadal-haynteedu jirtay oo ah in wershadii Sibidhka ee dadka Somaliiland oo dhan ka dhexaysay uu nin gaar ahi yidhi hala ii calaamadiyo oo halay seeso, arrintaasoo ah mid ujeedo kale ka dambayso. Waxa naga yaabisay markuu kelidii damcay inuu hantida umadda yeesho, waxaananu baaq dheer u diraynaa xukuumadda, anaga oo leh maaha inay dawladdu ku tumato caddaalada, waana arrin cadho gelinaysa bulshada degaanka,” sidaa waxa yidhi guddoomiyaha guddiga bulshada Berbera Muuse Xirsi Xaaji Abokor (Muuse Dalab) oo guddigiisa, odayaal iyo waxgarad kale oo gobolka Saaxil ka soo jeedaa shirjaraa’id ku qabteen Berbera.

Guddoomiyaha oo ka mid ah ganacsato labaataneeyo ah oo Madaxweynihii hore ruqsad u siiyay dib-u-dhiska wershadii Sibidhka Berbera, waxa uu ka digay saamaynta ka dhalan karta hirgelinta wershada labaad ee Sibidhka ee ay haatan wado shirkadda Dahabshiil.

Wershada ay hirgelinteeda hadda ka qaylisay bulshada gobolka Saaxil, waxa hore Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu dhismaheeda ruqsad u siiyay shirkaddaha Telesom iyo Dahabshiil, laakiin shirkadda Telesom go’aanka Madaxweynaha ka dib waxay sheegtay in aanay qayb ka noqon doonin hirgelinta wershad ay diidan tahay bulshada degaankaasi, waxayna sheegtay inay go’aansatay inay ka laabato qorshahaas. Laakiin, shirkadda Dahabshiil waxay ku adkaysatay inay hirgeliso, iyadoo qorshaha bilawgeeduna uu dib u soo kiciyay diidmadii bulshada gobolkaasi markii horeba ka muujiyeen.

Qurbejoog.com, Berbera

Comments are closed