|

Guddi dusha kala socota xaaladaha maxaabiista oo kormeertay xabsiga dhexe ee Cerigaabo

Ceerigaabo Mar 05,2012(SDN)-Gudi Loo xilsaaray Qiimaynta Xaalada Xabsiyada iyo Maxaabiista dalka,ayaa maanta kormeer ku soo maray Xabsiga dhaxe ee Magaalada Ceeri-gaabo.

Sida ay sheegtay wakaalada wararka Somaliland ee Solna,Gudidan ayaa kormeerkan ugu kuur galayay Xaalada Xabsiga Dhex eeĀ  Ceerigaabo,iyo Maxaabiista ku sugan.halkaasi oo ay xogwaraysi kaga qaateen Masuuliyiinta Xabsiga iyo Maxaabiistaba.

Gudigan oo wasiirka wasaarada Cadaalada Md.Xuseen Axmed Caydiid uu hore ugu Magacaabay inay qiimayn iyo kuur gal ku soo sameeyaan Xabsiyada Dalka ayaa intii ay Joogeen Gobolka Sanaag waxay hore kormeerkan oo kale ugu soo mareen Degmooyinka Ceel afweyn iyo Garadag.

Gudigan oo uu horkacayo Md.Sahal Dayax Weerar, oo wali ku guda jira kormeerkoodan shaqo ayaa waxay maanta u kicitimeen dhinaca Gobolka Sool.
SDN-Cerigaabo

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed